Shacabka wadanka Jabuuti oo maanta u dareeray goobaha codbixinta

Dalka Jabuuti waxaa saaka looga dareeray goobaha codbixinta iyadoo dadweynuhu ay soo dooran doonaan baarlamaanka waddankaasi oo ka kooban 65 xubnood.

Kuraasta baarlamaanka 10 kursi mooye inta kale waxaa heysta isbahaysiga talada haya ee MRD oo uu hogaamiyo madaxweyne Geelle.

Guddoomiyaga Doorashada Diini Maxamed Burhaan ayaa sheegay in doorashada ay u dhici doonto hab cadaalad ah oo aan laheyn wax isdaba marin.

Axsaabta mucaaradka ayaa awoodooda iskugu geeyey sidii ay kuraas intii hore ka badan uga heli lahaayeen magaalada Jabuuti oo laga soo dooranayo 35 ka mid ah 65ta kursi ee Baarlamanka dalkaas uu ka kooban yahay.

Natiijada doorashooyinka ka dhaca dalka Jabuuti ayaa inta badan waxaa ku guuleysta isbaheysiga talada haya, doorashada maantana waxaa la filayaa iney ka helaan kuraasta ugu badan sida ay aaminsan yihiin dadka falanqeeya arrimaha siyaasada wadankaas.

Siyaasiyiinta mucaaradka oo doorashadii tan ka horeysay ka helay 10 kursi oo kaliya ayaa ku eedeeyey isbaheysiga talada haya iney ku shubteen doorashadaas, ayna aaminsan yihiin iney heleen kuraasta intaas ka badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -